4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Maqaal Trump ka Dhan ah oo NY Times lagu Qoray

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa wargeyska The New York Times ka dalbay inuu sheego magaca qof Aqalka Cad ka shaqeeya oo qoray maqaal uu wax kaga sheegay madaxweyne Trump.

Madaxweynaha oo dalabkan ku qoray fariin dhinaca twitterka ah oo Arbacadii uu soo diray ayuu wargeyska ugu sheegay in qofkaas la soo gudbiyo si loo maxkamadeeyo.

Dalabka madaxweynaha ayaa yimid in yar ka dib fariin taas ka horeysay uu ku qoray “Khayaamo Qaran.” Ka dib uu calaamad su’aal sii daba dhigay.

Madaxweynaha iyo Aqalka Cad ayaa si adag uga fal celiyey qoraalkan oo qofkii qoray lagu sheegay sarkaal sare oo Aqalka Cad ka tirsan. Qoraaga maqaalka ayaa sheegay in shaqaaluhu ayna dooneyn fowda dalka ka dhacda, sidaas darteedna ay iyagu sida dalka u wanaagsan ay wax u sameeyaan.

VOA