4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Hogaamiyayaasha dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis ku kala saxiixday Asmara

 

Khamiis, September, 06, 2018 (HOL) -Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku kala sixiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha September 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Africa.

Waxayn ku heshiiyeen "in la billaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka," ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa doonaysa in ay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay oo billawday intii uu hagaagay calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]