4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarunta degmada Howl-wadaag ee dhawaantan la qarxiyay


Khamiis, September, 06, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib shirkii Saddex geesoodka ahaa ee uu kaga qeyb galay magaalada Asmara, kaasi oo u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu tagay xarunta degmada Hawlwadaag oo ururka Al Shabaab ay qarax ku weerareen Axadii ina dhaaftay, halkaasi oo ay ku beegsadeen ciidan iyo shacab.

Farmaajo ayaa yiri “Waxaan galabta markii aan dalka ku soo laabtay tagay masaajidkii, dugsigii iyo xaruntii degmada Hawlwadaag ee ay dadka birimageydada ah ku laayeen kooxda Al Shabaab, si aan xanuunka ula qeybsado ehelada dadkii ay dhibaatooyinka ka soo gaareen qaraxii fulaynimada ahaa”.

Madaxweynaha ayaa warbixin la xiriirta weerarkaasi ka dhageystay guddoomiyaha degmada Hawlwadaag Cabdikariin Cali Kaar, iyada oo murugada uu la qeybsaday ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi.

“Burburka aan meesha ku soo arkay waa wax dhaqan Islaam iyo damiir bani aadamnimo intaba aysan aqbali karin, waxayna caddayn buuxda u tahay in Al Shabaab aysan diin Islaam iyo dhaqan Soomaaliyeed midna shaqo ku lahayn”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waa inaan hal meel uga soo wada jeesannaa kooxdan dhiigyo cabka ah ee carruur iyo cirroole, masjid iyo madraso, xarun dadweyne iyo xafiis dowladeed, wax ay u aaba yeelayaan aysan jirin, waxaa la joogaa waqtigii aan ka ciribtiri lahayn guud ahaan dalka, shacabkana laga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan”.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]