Khamiis, September, 06, 2018
(HOL)–Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi
Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga
bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis.
Kulanka ayaa waxaa goob joog
ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya
Mudane Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub.
Arrimaha kulanka lagu lafa
guray ayaa waxaa ka mid ah xaaladda waxbarashada dalka, iyo tageerada uu
midowga Yurub ka geysto horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda
waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi
Goodax Barre ayaa bogaadiyay tageerada iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa
Soomaaliya iyo midowga Yurub, gaar ahaan waxbarashada.
Sidoo kale mudane
Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka socday midowga Yurub u sheegay in guullo
badan laga gaaray sameynta manhajka cusub, tababarka macalimiinta iyo tacliinta
sare.
“Waxaan bogaadinaya wada
shaqeynta iyo tageerada midowga Yurub u la garab taagan yahay Soomaaliya,wana
uga mahad celinayaa,sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha manhajka cusub,
tababarka macalimiinta iyo tacliinta sare’ayuu yiri wasiirka waxbarashada
Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre
Wasiirka waxbarashada
Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in bisha Maarso ee
sannadka 2019-ka dalka Kuwit lagu qaban doono shir looga hadlayo,waxbarashada
dalka islamarkana ay ka qeyb geli doonaan deeq bixiyeyaasha tageera
waxbarashada Soomaaliya.
Madaxa waaxda horumarinta
adeegga bulshada Mr Olivier ayaa ballan qaaday in dhankooda ay sii laba jibaari
doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan hirgelinta
manhajka cusub.
Wasiirka waxbarashada
Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa malmihii la soo dhaafay kulamo
kala duwan la qaadanayay hay’adaha Soomaaliya ka tageera waxbarashada dalka
kuwaasoo dhamaantood ballan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan horumarinta
waxbarashada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]