4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Madaxweynaha Shiinaha ee dalkiisa uu martigelinayo shirka Xi Jinping,ayaa furay shirka maanta oo Axad ah 3-September 2018-ka,waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xi Jinping, in Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay mira dhalka qodobada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka.

“ Waannu ixtiraamnaa Afrika,Waannu jecel nahay Afrika,waanna taageernaa Afrika,” ayuu ku yiri madaxweyne Xi,Khudbaddiisa furitaanka shirka uu ka jeediyay.

Shirka oo labo maalin socon doona ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Shirkan ayaa wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, marka laga eego dhanka fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]