Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo nabad-sugida ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in uu maleegayay.
Qoraal la soo dhiggay barta Twitterka ee NISA howlgalkan ayaa dhacay 2-di bishan September ayaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayay qaraxyo.
Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarrada isugu jira qaraxyada iyo dilalka toos ah oo ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo uu ugu danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay shalay ku qaadeen xarunta degmada Howl-wadaag.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]