3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo furmi doona maalinta berito ah


Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Shirkan oo lagu waday in uu furmo maanta ayaa dib u dhacay ilaa maalinta berito ah sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Maanta gelinkii hore waxaa magaalada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Jubbaland, kuxigeenkiisa xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Kismaayo waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha afarta dowlad goboleed ee dalka.

Xoghayaha golaha iskaashiga dowlad goboeleedyada Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in shirku dib ugu dhacay arimo ay kamid yihiin kulamo tashi ah oo ay madaxdu yeelan doonaan iyo weliba wufuudda oo maanta qeybtoodii ugu danbeeysay ay timid.

Waxa uu sheegay in berito 10:00 aroornimo uu shirku furmi doono, warbaahintana lala wadaagi doono ajandeyaasha shirkaasi.

Dhinaca kale, Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa soo gaaray Kismaayo, isagoo hadda ku sugan guriga martida oo ah halka uu madaxda dowlad goboleedyada uga furmi doono shirka.

Xoghayaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in Danjiruhu qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka, isagoo xusay in danjiruhu dhawaan baneyn doono xafiiska sidaa darteedna ay sii sagootinayaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
9/3/2018 11:48 PM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Dallada Dhalinyarada Konfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu badalayo muuqaalada dagaalka si caasimada Muqdisho ugu ekaato mid nabadeed.

9/3/2018 11:28 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay furitaanka wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo ay martigelinayso magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

9/3/2018 9:45 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

9/3/2018 9:08 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Eng. Maxamuud Khaliif Xassan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo doorashada xilka madaxweynaha Puntland ee ka dhici doonta magaalada Garoowe bisha Janaayo siddeedeeda sanadka 2019-ka; isaga oo halku-dhegga ololaha doorashadiisa ku magacaabay ‘Karti iyo Hufnaan’.

9/3/2018 8:37 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Waa dhacdo ugub ku ah bulshada Soomaalida dhax-deeda kaddib markii la arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ka lusha mid ka mid ah baalayaasha korontada deegaanka Siinka dheer ee dulleedka Muqdisho.

9/3/2018 5:28 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha Koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii bishii 4-aad ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Al Shabaab, waxaana ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib ku wareejiyeen Hay’adaha baarista, waxaa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda soo galaan Eedeysanayaasha kale:- Waris Maxamed Cumar, Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

9/3/2018 4:32 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo nabad-sugida ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in uu maleegayay.

9/3/2018 1:57 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Maanta oo Isniin ah waxaa ka furmaya magaalada Beijing shirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan ku dhawaad madaxda 53 dal oo qaarraada ka tirsan.

9/3/2018 1:41 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Guud ahaa marka la eego waa kulankii saddexaad oo ay yeesheen golaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada, kulankan maanta ka furmaya Kismaaya-na waxaa uu noqonayaa kii labaad oo ay marti-galiso Jubbaland, marka laga reebo Baydhabo oo sidoo kale horey loogu qabtay shirkan.

9/3/2018 1:02 AM EST
Isniin, September, 03, 2018 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.