4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2018
Warbixin -Maxey ka wada hadlayaan madaxda maamul gobolleed-yada maanta ku shiraya Kismaayo

 

Isniin, September, 03, 2018 (HOL)-Guud ahaa marka la eego waa kulankii saddexaad oo ay yeesheen golaha Isbaheysiga ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad gobolleedyada, kulankan maanta ka furmaya Kismaaya-na waxaa uu noqonayaa kii labaad oo ay marti-galiso Jubbaland, marka laga reebo Baydhabo oo sidoo kale horey loogu qabtay shirkan.

Kulankan waxaa la oran karaa  waa mid ka duwan kulamadii horey ay u yeesheen madaxda dowlad gobollleed-yada oo hadda wajahaya culeys-yo siyaasadeed oo waa-weyn, gaar ahaan marka la eego doorashooyin-ka ku soo foolka leh sanadka 2019 qaar ka mid ah maamul gobolleed-yada oo baqdin xoog leh ka qaba dhinaca dowladda dhexe ee federaalka.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saari doonaa khilaafka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee federaalka oo isku qabtay marar badan hore magacaabista taliyayaal ciidan oo ay dowladdu u dirtay Kismaayo, laakiin maamulka Jubbaland uu is hortaagay.

Dhinaca kale waxaa jira shaki madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan ka qabaan doorashada ku soo foolka leh ee madaxtinimada iyo saameynta dowladda Soomaaliya ay ku yeelan karto doorashooyinkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa dhinaciisa waxaa heysta culeys uga imaanaya xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo wada mooshinka dhan ah oo ay doonayaa in ay xilka uga tuuraan, halka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf-na wali uu la daalaa-dhacayo khilaaf ka dhax –taagan maamulkiisa isaga oo marar bandanna oo hore ku eedeeyay dowladda in ay qeyb ka tahay khilaafka ka dhax jira Galmudug.

Waxaa jiri doona inta uu socdo kulanka maanta ka furmaya Kismaayo khudbado ay halkaa ka jeedin doonaan madaxda dowlad gobolleedyada oo la filayo in qaarkood si toos uga dhawaaji-yaan darreen-ka ay ka qabaan dowladda dhexe ee federaalka, ugu danbeyntii-na waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha shiraya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]