Mareykanka oo soo yareynaya tirada ciidamada ka jooga qaarrada Africa marka laga reebo Nigeria iyo Somalia
Isniin, September, 03, 2018 (HOL) - Wasaaradda
Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa eegaysa in ciidamada kamandosta ee
Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi
xeryaha ay deggan yihiin ciidamada aragixiso la dirirka ee qaaradda Afrika,
sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.
Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u
sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya,
Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga,
Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo. Hasse ahaatee militariga Maraykana ayaa si
weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Soomalia.
Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka
tahay istaraatiijiyad uu Maraykanku culeyska ku saarayo dagaalka baaxaadda weyn
leh, halkii uu kooxo mitidiin ah uu dagaal kula jiri lahaa. Talaabadan ayaa
sidoo kale timid, ka dib markii afar askari oo ku sugnaa dalka Niger la dilay,
kuwaas oo wasaaraddu ay qiratay in gaabis dhinaceeda ka yimid ay ku dhinteen.
Xigasho/VOA