Eng. Maxamuud Khaliif oo si rasmi ah ugu dhawaaqey musharax-nimadiisa xilka madaxweynaha Puntland 2019-ka
Isniin, September, 03, 2018 (HOL)- Eng. Maxamuud Khaliif
Xassan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu u tartamayo doorashada xilka
madaxweynaha Puntland ee ka dhici doonta magaalada Garoowe bisha Janaayo
siddeedeeda sanadka 2019-ka; isaga oo halku-dhegga ololaha doorashadiisa ku
magacaabay ‘Karti iyo Hufnaan’.
Xaflad si weyn oo qiira leh loogu soo dhaweeyay Eng.
Jabiye ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Xafladdan waxaa ka soo qaybgelay
dad weyne fara-badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda jaaliliyadda
Puntland.
Madasha munaasabadan ayaa lagu casumay siyaasiyiin
Soomaali-American ah iyaga oo ka soo jeediyay goobta khudbado, waxaana kamid
ahaa Ilhaan Cumar, Cabdi Warsame, Maxamuud Nuur, Hodan Heello, Siyaad Cali iyo
Peter McLaughlin oo ka mid ah komishanka Hennepin iyo siyaasiyiin kale.
Siyaasiyiintan ayaa dhammaantood waxa ay u muujiyeen musharraxan taageero
diirran iyaga oo sheegay in Eng. Maxamuud Khaliif ay wada taageersanyihiin ayna
ku yaqaanaan wanaag badan.
Musharrax Eng. Maxamuud Khaliif ayaa lagu soo dhaweeyay
microphone-ka isaga oo dul istaagay qaybo ka mid ah qodobada u qorsheysan oo ay
ka mid yahiin: amaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, adeegga bulshada iyo
maamul-wanaag baahsan. “Waxaan xoogga saareynaa dhisidda ciidan xooggan”, ayuu
yiri. “Waxaan dhisaynaa isbitaal ciidanka Puntland gooni u ah”. Eng. Jabiye oo
sii wada khudbadiisa ayaa intaasi ku daray in uu aaminsanyahay ciidan jirkiisa
iyo mooraalkiisaba ay dhisanyihiin.
Musharraxa ayaa sheegay in ay Puntland ka jiraan caqado
badan, kuwaas oo soo socdey mudadii maamulka Puntland uu dhisnaa, ayna u baahan
tahay in wax laga qabto.
Eng. Maxamuud Khaliif Xasan ayaa ah maalqabeen ganacsiyo
kala duwan ku leh Ameerika iyo Afrika, wuxuu sheegay in Puntland aanu xoolo ka
dooneyn ee uu doonayo in uu u adeego magacna taariikhda uu ku reebo. Maxamuud
Khaliif sidoo kale waxa uu kamid yahay dadka deeqda ku bixiya arrimaha
bini’aadanimada, waxbarashada, caafimaadka iyo taakuleynta masaakiinta. Intaas
waxaa sii dheer, in waxyaabaha uu muhimadda kowaad siinaayo ay kamid yihiin
ciidamada, cadaaladda, adeega bulshada iyo maamul suuban.
Doorashada Puntland ayaa ku aadan bisha Janaayo
siddeedeeda sanadka inagu soo aadan ee 2019-ka; waxaana Madaxweynaha soo
dooranaya 66 Xildhibaan oo beeluhu ay iska soo xuleen.
Mohamud Dulyadeyn
Hiiraan Online
[email protected]