4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Madaxweyne Waare : Haddii ay ogtahay dowladda iyo haddii kale-ba amniga magaalada Muqdisho faraha ayuu ka baxay

 

Isniin, September, 10, 2018 (HOL)- Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho faraha ka baxay.

Waare oo si ka duwan sidii hore weerar culus ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii ka soo hara waddada Wadnaha aysan maamulin dowladda Soomaaliya, isaga oo digniin u diray xildhibaannada baarlamaanka federaalka.

‘’Amniga magaalada Muqdisho faraha ayuu ka baxay dowladu haddii ay ogtahay waa mas’uuliyad darro, haddii aysan ogeyn-na waa mas’uuliyad darro ka sii culus, xildhibaannada waxaa leeyahay is ilaaliya xaaladu caadi ma’aha, waa hadal nin oday ah oo weyn’’ ayuu yiri madaxweyne Waare oo ay hereerihiisa fadhiyeen madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay in burburin iyo dhibaato ku heyso sida uu hadalka u dhigay labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga is weydiiyay su’aal aheyd wax kaliya labadaas maamul loo bartilmaameedsanayo.

‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin shanta maamul gobolleed ee dalka ka jira, waxaa moodaa in dowladdu si gaar ah u bartilmaameedsaneyso labadan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, dowladda waxaa leeyahay waa la arki doonaa Hirshabeelle iyo Galmudug haddii ay Ari yihiin’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar uu soo hadal qaaday maamulka gobolka Banaadir iyo guud ahaan-ba maqaamka Muqdisho ayuu sheegay in gobolka Banaadir uusan ka jirin maamul la xisaabtami kara dowladda federaalka, madaama guddoomiye walba oo ka cabsi qabo in xilka laga qaado, sidaa daraadeed Muqdisho u baahan tahay ayuu yiri maamul ay dadku iyaga soo doortaan oo ku yimaada rabitaankooda.

Dhinaca howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ayuu sheegay in dowladda federaalka iska dhaga-marisay qorshayaal dhowr ah oo ay u soo gudbiyeen, isaga oo sheegay in qeybta siyaasada iyo amniga howlgalka AMISOM si wanaagsan u soo dhaweeyeen qorshahaa iyaga oo sheegay ayuu yiri in ay baahan yihiin oo kaliya ciidamadii la howlgali lahaa kuwa midowga Africa.

‘’Annaga dowladda federaalka waxaa u sheegnay in aan amniga caasimada laga sugi karin Muqdisho, laakiin loo baahan yahay in la gaaro deegaannada ka baxsan ee fog fog, talo soo jeedinteenii waxba lagama soo qaaday, Al-shabaab hadda Muqdisho ayeey ka soo buuxsameen, dhawaanna amniga caasimadan wuu ka baxayaa gacanta dowladda ayuu yiri’’ Waare oo si adag uga hadlay siyaasada dowlada ee la xiriirta sugida amniga.

Shirka jaraa’id ee madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa muujinaya sida uu u xoogeystay khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada, iyadoo dhawaan shirkii ka dhacay Kismaayo shanta hoggaamiye ka sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]