Qaramada Midoobey oo soo dhaweysay isbadalka dadaallada nabadeed ee Geeska Africa ka hanaqaaday
Isniin, September, 10, 2018 (HOL)- Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa soo dhoweeyay booqashada maalmo ka
hor ay dalka Jabuuti ku tageen Wasiirada arrimaha dibedda ee Eritrea, Itoobiya
iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu yeeray “tallaabo kale oo muhiim ah” oo ku saabsan
dalalka Geeska Afrika.
War saxaafadeed uu soo saaray afhayeen Stephane
Dujarric, Guterres wuxuu sheegay in heshiiska ay gaareen afar ka mid ah
wasiirrada si ay uga wada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka oo tusaale
wanaagsan u ah gobolka iyo kuwa ka baxsan.
Waxa uu ku celiyay iney Qaramada Midoobay sii
kordhin doonto taageerada wadamada gobolka si loo xoojiyo guulaha “cajiibka ah”
ee dhowaanahan.
Natiijada Booqashada Khamiistii, Eritrea iyo
Jabuuti ayaa isku raacay in ay caadi u noqdaan xiriirka dib-u-dhiska
diblomaasiyadeed kadib,murankii Xuduudaha ee Labada dal ka dhaxeeyay.
Sidoo kale,Soomaaliya iyo Eriteriya ayaa bishii
july horaanteedii isku raacay iney soo celiyaan Xiriirkii diblomaasiyaeed.
Dhanka kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo
dhoweeyay horumarada siyaasadeed ee dhowaan ka hana qaaday Gobolka Geeska
Afrika,gaar ahaan Heshiiskii wadajirka ahaa ee u dhaxeeyay Ethiopia,Eriteriya
iyo Soomaaliya.
Sidoo kale,Urur Goboleedka IGAD,ayaa soo
dhoweeyay ka qeyb qaadashada wax ku oolka ah ee ku aadan caadi noqoshada
xririirka Jabuuti iyo Eriteriya.
“ Horumaradan oo dhan waxay dhacayaan xilli
isbedel wanaagsan uu ka jiro Gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri warbixinta
IGAD.waxaana lagu ammaanay hoggaanka iyo aragtida Gobolka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]