4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Xaruntii degmada Hodan oo gabi ahaanba burburtay kaddib weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday

 

Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Gabi ahaan-ba waxaa bur buray xaruntii degmada Hodan kaddib weerar ismiidaamin oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo barkhanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in tiro ka badan 5 ruux ay ku dhinteen qaraxan, sidoo kale gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray shaqaalihii degmada iyo ciidamadii ilaalada ka ahaa kaddib markii gaariga lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada sida uu sheegay qof goob jooge ah.

Mas’uuliyada weerarka waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen weerarka saakay lagu qaaday xarunta degmada Hodan.

Waxaa qaraxii labaad ee lagu weerarro xarun degmo todobaad gudihii kaddib markii 02dii bishan weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, waxaana weerarkaa sidoo kale lagu bur buriyay Masjid iyo dugsi Qur’aan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]