Isniin, September, 10,
2018 (HOL)– Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku
dhinteen dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka magaalada dekadda leh ee ay
Xuutiyiinta haystaan ee Hodeida.
Ila wareedyo laga helayo xarumaha caafimaadka
ayaa laga soo xigtay in dagaalkan lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan
mucaaradka Xuutiyiinta.
Waxaa sidoo kale ila wareedyada caafimaadka ay
intaa ku darayaan in ciidamada gacan saarka la leh dowladda ay ka dhinteen 11
qof.
Isku dhacyadani ayaa ka dambeeyay ka dib markii
ay guuldareysteen dadaaladii ay waday Qaramada Midoobay ee lagu doonayay in la
isugu keeno dhinacyada Yemen ku dagaalamaya.
Wadahadalada nabada ee Yemen ayaa lagu waday in
ay magaalada Geneva, ka billaabmaan maalmo ka hor.
Waxaa mar walba laga cabsi qabay in dagaal
xooggan oo ka dhaca Hodeidah uu sababi karo in uu saameeyo shaqada dekadda
magaaladaasi.
Dekadda magaaladani ayaa ah meesha uu inta badan
ka soo dego gargaarka bina'aadanimo ee dalka Yemen.
Dalka Yemen ayaa qarka u saaran macaluul ka
dilaacday sida ay hay'adaha gargaarka sheegeen.
Xigasho/BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]