4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2018
Aqalka sare oo war deg deg ah ka soo saaray xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya

 

Isniin, September, 10, 2018 (HOL)- War deg deg ah oo ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka amniga, siyaasada iyo waliba sababihii keenay in ay ka baaqdaan ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii saakay lagu qaaday xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu weeraray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo galaaftay nolasha dad ka badan 6 ruux.

Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale sheegay in uu sababo dhinaca amniga ah dib loogu dhigay furitaanka Kalfadhiga Golaha, islamarkaana waqtiga rasmiga ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

Qoraalka ka soo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa lagu sheegay in goluhu walaac badan ka muujinayo guud ahaanba marka la eego xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waliba xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleed-yada oo uu goluhu ku matalo dowladda.

Akhariso Qoraalka ka soo baxay aqalka sare :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]