
Isniin, September,10, 2018 (HOL)– Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka munaasabada furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka oo xiligan-ka socta xarunta Jen Kaajiye ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.
Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay Kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.
Xoghayaha baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa warbaahinta u sheegay in furitaanka Kalfdhigga Afaraad ee gobolaha Shacabka u baaqan doonin ka qeybgalid la’aanta golaha Aqalka sare.
Waxaa muuqanaya uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya labada aqal, taasoo muujineysa in Aqalka sare qorsheynayo munaasabad u gaar ah.
Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator ayaa marka loo eego saameynta dhanka siyaasadda waxaa kaga xooggan Golaha Shacabka oo inta badan u idman howlaha la xisaabtanka hey’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda.