3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2018
Heesaa caan ah oo qaadatay diinta Islaamka

Jimco, October, 26, 2018 (HOL)–  Sinéad O'Connor oo ah heesa caan ah oo u dhalatay dalka Ireland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadatay diinta Islaamka,waxayna sheegtay in ay magaceeda badashay oo la baxday Shuhada Davitt.

Waxaa lagu xasuusta heestii aadka looga daba dhacay1990 eeNothing Compares 2 U.

Shuhada, ayaa sheegtay in ay go’aankan qaadatay iyadoo caqligeeda kaashanaysa, waxayna ay baahisay muuqaal ay aadaamayso, sidoo kale waxaa ay u mahadcelisay Muslimiinta taageerada ay u muujiyeen.

Maalin ka hor imaam Shaykh Dr Umar al-Qadri ayaa soo bandhigay muuqaalka ay fannaanadu ilaahay u mahadcelinayso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/26/2018 9:41 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Mid iyo laba ma'aha gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhiiranaya in ay ka mid noqdaan dadka aadka looga yaqaano suuqa xayeeysiinta dharka.

10/26/2018 9:22 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda macdanta tamarta iyo biyaha Jubbaland Mudane C/raxmaan Muxumed Max'uud ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuc nalalka ku shaqeeya cadceedda ay wasaaraddu uga hirgelisay xaafadda cusub ee..

10/26/2018 9:08 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan magaalada Muqdisho Sabtida berri ah, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

10/26/2018 8:49 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweyna Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo toddobaad ah magaalada Garoowe u joogey ka qaybgalka shirka Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

10/26/2018 5:23 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen tiro ka badan 8 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab, kaddib howlgal militari oo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

10/26/2018 1:22 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay mar kale maamul gobolleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta iyo sida loo isticmaalay dhaqaalaha ay dowladda ku deeqdo maamul gobolleedyada, waxaana uu codsiga imanaya xili wali labada dhinac aysan isku wanaagsaneyn.