4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2018
AMISOM oo sheegtay in ay dishay xoogag ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen tiro ka badan 8 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab, kaddib howlgal militari oo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,islamarkaana uu ka dhacay  Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ragga la dilay uu ka mid ahaa sarkaal  u qaabilsanaa uruurinta canshuurta laga qaado shacabka.

Sarkaalkan ayaa Isniintii la dilay isaga oo ka qaybqaadanaya kulan uu ururku ku lahaa Bariire sida ay AMISOM ku shaacisay barteeda Twitterka.

Ma aysan shaacin magaca sarkaalka, laakiin AMISOM waxaa ay sheegtay in  howlgankan uu u dhacay sidii loogu tala galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]