4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2018
Xaafadda ay daganyihiin dadka kasoo laabta Dhadhaab ee magaalada Kismaayo oo laga hirgeliyay nalalka cadceedda ku shaqeeya


Jimco, October, 26, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda macdanta tamarta iyo biyaha Jubbaland Mudane C/raxmaan Muxumed Max'uud ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuc nalalka ku shaqeeya cadceedda ay wasaaraddu uga hirgelisay xaafadda cusub ee Midnimo oo kusoo biirtay xaafadaha Kismaayo, taasoo ay daganyihiin qoysaska kasoo laabtay xerooyinka Dhadhaab iyo qaar kamid ah barakacayaasha.

Wasiirka oo ay wehlinayeen masuuliyiin ka tirsan degmada Kismaayo iyo gobolka J/hoose ayaa kormeeray wadooyinka laga hirgeliyay nalalka, waxaana masuuliyiintu ay shacaba ka xogwareeysteen sida ay u arkaan mashruucan.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafaddaasi ayaa ka mahadceliyay mashruucan ay wasaaraddu ka hirgelisay xaafaddaasi, ayagoo sheegay in ay baahi weyn u qabeen nalalka laga hirgeliyay, ayagoo sheegay in xaafaddu ay markii hore ahayd mid dansan, balse hadda ay tahay mid habeen iyo maalinba lagu ganacsan karo.

Wasiirka Wasaardda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Mudane C/raxmaan Muxumed Max'uud oo la hadlay shacabka ku dhaqan xaafaddaasi ayaa ugu baaqay shacabka ku nool xaafaddaasi in ay ilaashadaan leerarka isagoo intaa ku daray in ka wasaarad ahaan ay sii wadi doonaan mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.