4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2018
Sidey maamullada uga jawaabeen codsigii xisaab celinta ee dowladda federaalka

 

Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay mar kale maamul gobolleed-yada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta iyo sida loo isticmaalay dhaqaalaha ay dowladda ku deeqdo maamul gobolleedyada, waxaana uu codsiga imanaya xili wali labada dhinac aysan  isku wanaagsaneyn.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda, iyaga oo soo bandhiga qoraal ka tarjumaya sida loo isticaalay lacagihii ka soo gaaray dowladda waxaana qoraalka lagu yiri’’ lacagta naga soo gaartay Dawladda dhexe oo ah dhaqaalaha ay ku deeqeen beesha caalamka ayaa wadarteedu dhan tahay USD 450,000 ( afar boqol iyo konton kun oo dollar), lacagtaas oo faahfaahinteedu tahay; dhamaystirka iyo rinjiyeenta Garoonka caalamiga ah ee Gen: Mohamed Abshir Airport oo dhan USD ( $ 296,000), taasoo si toos ah luugu shubay koontada shirkadda dhisaysay Garoonka uga furan Salaama Bank (AC No: 80155473) , dhismaha Jidka Wasaaradaha oo ay si wada jir ah u maal galiyeen Dawladda dhaxe iyo Dawladda Puntland oo dhan USD ($ 104,000), halka uu dhismaha wadadaasi ay ku baxday lacag dhan USD 240,000 oo ay baaqiga dheeriga ahi ay bixisay Dawladda Puntland”

Laakiin Wasiirka maaliyada Jubbaland ayaa sheegay Cabdirashiid Jire Qalinle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka laftirkeeda looga baahan yahay xisaab calin maadama sida uu hadalka u dhiggay, waxaana uu intaa ku daray in xisaab celinta ay dowladdu raadineyso aheyn lacago laga helay beesha caalamka oo xaq u leeyihin dowlad gobolleedyada in ay qeybtooda helaan.

‘’Annaga xisaab celin ma diidanin, laakiin waxa ay doonayaan in ay nagula xisaabtamaan, wax ay iyaga na siiyaan ma’aha e’ waa dhaqaalaha beesha caalamka laga helo, haddana sidaa oo ay tahay waan ogol-nahay wixii xisaab celin ah, laakiin dowladda waxaa u waangsan in ay dariiqa saxda ah soo marto iskana deyso nidaamka dacaayada ah ee Facebook loo isticmaalayo, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Qalinle ayaa intaa ku daray in dakhliga Jubbaland ka soo gala Garoonka diyaaradaha Dekedda qaar ka mid siiyaan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay uga baahan yihiin sida uu hadalka u dhiggay dhinacooda xisaab celin ku aadan dhaqaalaha Jubbaland ku bixiso dowladda dhexe.

‘’ Haddii ay sidan u dhaqmayaan annaga ayaa iyaga xisaab celin uga baahan, maxaa yeelay annaga ayaa dakhliga na soo galay qaar ka mid ah iyaga u geynay oo siina, laakiin iyaga waxa soo gala waxba nagama siiyaan ayuu yiri’’ Wasiirka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulada gobolleedyada, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo qeyb ka ah dowlad gobolleedyada laga dalbaday xisaab celinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]