4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2018
Madaxweyne Gaas oo sagootiyey madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur-galbeed


Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweyna Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo toddobaad ah magaalada  Garoowe u joogey ka qaybgalka shirka Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya.

MadaxweynahaPuntland ayaa sheegay in maanta ay Puntland iyo shacabkeedaba u tahay wanaag iyo sharaf sagootinta Madaxweynayaasha ka qaybgalay shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga dowlad-gobolleedyada oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.

"Shirkii guul iyo khayr ayuu noogu soo dhammaaday maantana walaalahayo oo runtii aan uga mahadnaqayno imaantinkooda ayaan sagootinaynaa."  ayuu yiri madaxweyne Gaas oo inta ku daray in shirka looga gol lahaa geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, amniga, dimuquraadiyadda, federaaliisamka iyo in Soomaaliya ay xasisho, Soomaaliya nabadgelyo hesho, Soomaaliya dolwadda wanaagsan hesho iyo in ay Soomaaliya hore u socoto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka hor inta aanay duulin sii indha indheeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, waxaa intaas dheer oo u madaxweynaha Puntland kormeeray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey garoonka diyaaradaha ee Jen Maxamed Abshir, halkaas oo ka socoto nalayn casri ah ( solar energy) oo lagu xidhayo dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxaya garoonka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]