3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2018
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ka qaybgalayaan 15 dal oo Muqdisho ka furmaya


Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Dowladda  Soomaaliya ayaa marti gelineysa shir heer wasiir ah oo kooxda xiriirka Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamku ku yeelanayaan magaalada Muqdisho Sabtida berri ah, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wufuud ka socota dalal badan oo xubno ah ururka Islaashiga Islaamka ee OIC ayaa maanta soo gaaray  Muqdisho , halka kuwa kalena la filayo in ay berri yimaadaan.

Xubnahan maanta yimid ayaa ka kala socda dalalka Sacuudi Carabiya, Malaysia, Turkey iyo wafdi uu hoggaaminayo kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka,Danjire Hishaam Yuusuf, , iyagoo ka qeyb geli doona shirka ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya marti-galineyso.

Martigalinta Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah ayaa imaanaysa iyadoo la fulinayo qaraarradii ka soo baxay shirarkii 44-aad iyo 45-aad ee Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Iskaashiga Islaamku ku yeesheen Abidjan, Ivory Coast iyo Dhaka, Bangladesh.

Wufuudda ka soo qeyb-galaysa shirkan ayaa diirradda ku saari doonta kulankooda sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban dalalka kala ah;

1-Azerbaijan 2-Brunei 3-Djibouti 4-Egypt 5-Gabon 6-Iran 7-Kuwait 8-Malaysia 9-Pakistan 10-Qatar 11-Saudi Arabia 12-Sudan 13-Turkey 14-UAE 15-Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/26/2018 9:41 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Mid iyo laba ma'aha gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhiiranaya in ay ka mid noqdaan dadka aadka looga yaqaano suuqa xayeeysiinta dharka.

10/26/2018 9:28 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Sinéad O'Connor oo ah heesa caan ah oo u dhalatay dalka Ireland ayaa ku dhawaaqday in ay qaadatay diinta Islaamka,waxayna sheegtay in ay magaceeda badashay oo la baxday Shuhada Davitt.

10/26/2018 9:22 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)–Wasiirka wasaaradda macdanta tamarta iyo biyaha Jubbaland Mudane C/raxmaan Muxumed Max'uud ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuc nalalka ku shaqeeya cadceedda ay wasaaraddu uga hirgelisay xaafadda cusub ee..

10/26/2018 8:49 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweyna Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo toddobaad ah magaalada Garoowe u joogey ka qaybgalka shirka Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

10/26/2018 5:23 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen tiro ka badan 8 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab, kaddib howlgal militari oo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

10/26/2018 1:22 AM EST
Jimco, October, 26, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay mar kale maamul gobolleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta iyo sida loo isticmaalay dhaqaalaha ay dowladda ku deeqdo maamul gobolleedyada, waxaana uu codsiga imanaya xili wali labada dhinac aysan isku wanaagsaneyn.