4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay ajandaha kalfadhiga 41-aad

 

Isniin, June, 25. 2018 (HOL) -Baarlamaanka Puntland oo Isniinta maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa meelmariyay ajandaha muddada uu socdo kalfadhiga 41 aad.

Fadhiga saddexaad kalfadhiga 41- aad waxa ka soo qeyb galay 42 xildhibaan , waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland,Axmed Cali Xaashi. Doodii wax ku kordhinta iyo wax ka dhimista ee xildhibaannada kaddib waxaa cod loo qaaday ansixinta kalfadhiga oo cod gacan taag ah la geliyay, guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali ayaa si rasmi ah u sheegay xildhibaannada inay ansixiyeen oo ay isku raaceen ajandaha kalfadhiga 41 aad.

Ajandaha kalfadhiga 41aad ee xubnaha wakiilada loo qeybiyay waxa uu ka koobnaa illaa 12 qodob oo kala ahaa sidan hoos ku xusan:

1- Furitaanka Kalfadhiga 41-aad

2-Ansixinta Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 41-aad

3- Warbixinta Guddiga Joogtada ah

4-Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada Puntland

5- Amniga, Difaaca Puntland iyo xog wareysiga Madaxweynaha Puntland

6-Xaalada qulqulka Tahriibayaasha (Dhaqangelinta xeerka Tahriibta)

7- Habka shaqaaleynta shaqaalaha rayidka ah

8-Habraaca loo maro iibinta hantida ma guurtida ah.

9- Mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacayo

10-Ansixinta Xeerarkii Guddiga joogtada ah si ku meel gaar ah u sii ansixiyey.

11- Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017-ka

12-Anxisinta wixii Xeerar iyo Heshiisyo ah ee xukuumadu soo gudbiso.

Iman Jama