4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Dadka loo xirxiray qaraxii Addis Ababa oo gaaraya 30 ruux

 

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxi Sabtidi lala beegsaday dad dibadbax ka sameeynayey magaalada Addis Ababa ay tiradoodu gaadhay 30 qof baadhitaanna uu ku socdo.

Taliyaha guud ee booliska Federaalka dalka Itoobiya General Zeynu Jamaal oo shir jaraa'id oo uu amuurtan kaga hadlayey qabtay ayaa wuxuu sheegay inuu booliska weli uu ku raad joogo dad kale oo oo looga shaki qabo iney qaraxaasi lug ku lahaayeen.

Dadka la xirxiray waxaa ka mid ah 9 sargaal oo k atirsanaa booliska federaalka iyo kuwa maamulka magaalada Addis Ababa oo uu ugu horreeyo taliyahi Booliska magaalada Addis Ababa Girma Kassa.

Saraakiishan ayaa loo xirxiray in ay si dabacsanaan ah u maamuleen hawshi loo igmaday ee ahayd iney ammaanka shacabka iyo dalkaba sugaan qaraxana uu ku dhacay jileec dhankooda ka yimid iyada oo ay booliska gacanta ku hayaan baaritaannana ay ku socdaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]