4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Dooda Fagaaraha: Doorasho qof iyo cod ah ma ka dhici kartaa Soomaaliya? Haa Vs Maya (Warbixin iyo Sawirro)
Isniin Juun 25 2018 (HOL)Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay dood cimliyeedka Fagaaraha Forum qeybtiisa 28-aad, taas oo lagu lafa guray in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, maadaama madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyadu isla garteen in doorasha la qabto.

Doodan waxaa ka soo qeyb galay Senator Ayuub Ismaaciil Yusuf oo ka tirsan aqalka sare ee golaha shacabka, Xuseen Caydiid oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo ra'isul wasaare ku xigeen, Zaynab Xasan oo ah aqoonyanahad, cilmi baare iyo la taliye madax bannaan iyo Prof. C/llaahi Osman Xiirey oo ahaa la guddoomiyihii guddiga doorashada ee sanadkii 2012.

Agaasimaha Fagaaraha Forum Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)  oo daah furay dooda ayaa sheegay inay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto  ka wada sheekeysato arrimaha doorashooyinka, isla markaana dhinac kasta laga lafa guro, si loo helo talo Soomaaliyeed oo saliim ah.

"Ma filaayo in doorasho ka dhici karto Soomaaliya sanadaha soo socda, sababahana waxaa ka mid ah inuusan dhameystirneyn dastuurkeenna oo weli waa qabyo, waddana haddii uusan dastuur laheyn doorashadiisa su'aal ayaa ku jirta" ayuu yiri C/llaahi Xiirey oo intaas ku daray "Sidoo kale weli ma cadda qaabka qeybisga wakiilada ee labada aqal ee gobolada, yaa Soomaali ah oo xaq u leh inuu codeeyo, arrinta federaleynta oo isku wareersan, nidaanka 4.5, iyo qodobka shanaad oo aan aaminsanahay inaysan doorasho dhicin oo ah awoowda iyo xuduudaha ay kala leeyihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo mugdi ku jirta" ayuu yiri Abdullahi Xiirey.

"Doorasho way dhici kartaa, laakiin wadanka oo dhan kama dhici karto, meelaha qaarkood waxaysan uga dhici karin in degmooyinkii iyo magaalooyinkii aysan gacanta dowladda ku wada jirin. Magaalooyinka qaarkood ma dhisna dowladaha hoose ee city council ka" ayay tiri Zainab Xasan oo raacisay "Maadaama aan heysanno laba sano iyo bar waxaan qabaa in laga shaqeysn karo in la helo mid dhaanta doorashooyiniii hore, sidoo kale qaab aan uga baxno nidaamka 4.5" 

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan aqalka sare ayaa isna sheegay inuu rajo xoog leh ka qabo in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka. "Ififaalo xoog leh ayaa ii muuqda inay doorasho dh
ici karto. Waxaa la wada saxiixay inaan lagu laaban hannaankii hore ee doorashooyin oo la aado qof iyo cod" ayuu yiri Senator Ayuub.

"Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka md ah arrimaha ammaanka, hase ahaatee ciidamada qaabka sida iyo hey'adaha ammaanka waxay maalin kasta ku mashquulsan yihiin inay hagaajiyaan ammaanka dalka, gaar ahaan sidii alshabaab dalka looga sifeyn lahaa dalka  oo dhan" ayuu sii raacicyay.

Ra'isul Wasaare ku xigeenkii hore, ahaana wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa isna sheegay inuu aaminsanyahay in doorasho ka dhici karto Soomaaliya.
"Wax kasta Soomaaliya waxay uga xiran yihiin doorasho qof iyo cod ah, si loo helo dowlad heysata awooda iyo kalsoonida shacabka waa in qof iyo cod ay dhacdaa, sidaa daraadeed waa in qof kasta oo uu gacan ka geystaa in doorashadaas dhacdo" ayuu sheegay Caydiid.

"Dowladnimadii noo dhisneyd waa bur-burtay, mar kastana qeyb ayaa la soo celinayay, waxaana hada muhiim ah 4 qodob oo dib u heshiisiintu ugu horeyso, waayo Soomaalidu maamul dhisida iyo dib u heshiisiinta aad ayay ugu baahan yihiin. 45. wuxuu Soomaaiya u keenay dib u dhac xoog leh, waxay aheyd in hal mar la isticmaalo, hase ahaatee waa nala dheeraaday, mana laga bixi karo ilaa qof iyo cod la helo" ayuu raaciyay.

Ka soo qeybgaleyaashii kale ee dooda oo iyaguna fikirkooda iyo su'aalahooda dhiiibtay ayaa kula kala aragti duwanaa doorashada qof iyo cod, hase ahaatee rajada qurbajoogtu ka qabto in nidaamku doorashooyinku hirgalo waxay aheyd aheyd mid sareysa.

Siyad Siciid Saalax
Hiiraan Online