4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Erdogan oo mar kale loo doortay madaxweynaha dalka Turkiga

 

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) -Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Erdogan ayaa waxsa uu doorashada ugu guuleystay hogaaminayaa boqolkiiba 52.5, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7.

Waxaa uu helay guud ahaan markaa la eego codadka la tiriyay 52.5 codadka la dhiibtay oo dhan, uuna marl abaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi oo ay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayeen madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga AK ee Mr Erdogan ayaa ku horreeya kuraasta baarlamaanka.

Haddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 99% codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxay guusha ku raacday 52.5, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu uruursaday boqolkiiba 30.7, xisbiga Aksender wuxuu helay 7.4 boqolkiiba, halka uu xisbiga Demirtas uu helay 8.3 boqolkiiba.

Khudbad uu jeediyay Erdogan waxaa uu sheegay in uu guushan uu gaaray tahay mid u soo hooyatay dhamaanba 81 milyan ee ruux ee dalka Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]