4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Kigali kula kulmaya madaxweyne Paul Kagame

 

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Booqashadan oo hal maalin qaadan doonta ayaa ra'iisul wasaaraha wuxuu kulamo la qaadan doona madaxda sare ee dalkaas, waxaana kulanka ugu horreeya uu caawa la qaadanaya dhiggiisa Rwanda, Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golaha wasiirada dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna guddoomiyaha Midawga Afrika, waxaa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xariirka labada dal iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya, waxaana inta dheer oo kulanka lugu soo qaadi doona arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Socdalkan waxaa ra'iisul wasaaraha ku waheliya Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Khayr.

Iman Jama