Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.
Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taasoo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay madaxtinimada dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada.
Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mid ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.
Shacabka dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.
Doorashada ka dhacday dalka Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay lix musharax oo mida ay tahay qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigantahay dalka Turkiga guul Taariikhi ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]