4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Al-shabaab oo fagaare ku toogtay nabadoon 93 sano jir ahaa

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Ururka Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.

Nabadoon Abshir Nuur Xuseen (Abshir Maliis) oo da’diisa 93 sano ahayd ayaa lagu toogtay deegaanka Gamboole ee isla gobalka Shabeellaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa nabadoonka ku eedeeyay in uu ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa gacanta Al-Shabab ku jiray muddo 3 bilood, isagoo degaanka maanta lagu taagay u tagay dacwad ku saabsan arrin xoolo dhaqato iyo beeraley ka dhaxeysay.

Xigashada Warkan : VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]