4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Dowladda Britain oo qalab ku kacaya 5.6 million ugu deeqday howlgalka midowga Africa AMISOM


Isniin,  July, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo.

Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka cagafta nooca xamuulka, cagaf-cagafta, nooca cagafta afka gadaal ku leh iyo kuwa horey ku leh, gawaarida alaabta baabur kale loogu wareejiyo, gaadiidka xamuulka, iyo kuwa kale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa Qaybta Koowaad, Labaad iyo Shanaad iyo Qaybta Xoojinta Hawlgalka ee saldhiggeedu tahay Muqdisho.

David Concar safiirka Britain ee Soomaaliya , ayaa markii uu qalabka wareejinayay maalintii Sabtida waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ku faraxsan tahay in ay AMISOM kala shaqeyso dadaalladeeda ay ku dooneyso in ay xasiliso Soomaaliya, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso dalka.

“Waxa aan maanta sameyneyno, in aan qalab qiimahooda lagu qiyaaso 5.6 milyan oo baund in aan wareejinno, waxaan rajeyneynaa in ay si weyn gacan ka siiyaan AMISOM in ay nadiifiyaan waddooyinka, waddooyinka muhiimka ah iyo in ay sii wadaan xasilinta Soomaaliya, iyo in la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, xilli ay awooddooda sii kobceyso,” ayuu yiri Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Concar ayaa uga mahadnaqay ciidamada nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada deeqay dadaalka ay geliyeen in ay xaqiijiyaan in ay Soomaaliya hesho xasillooni.

“Waan idin kaga mahadcelineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay Safiirka Ingiriiska.

Asaga oo la wareegayo 49-ka makiinado o oculus, ayaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, sheegay in qalabkan ay wax badan tari doonaan xilligaan oo ay ciidamada ku dadaalayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan meelaha muhiimka ah oo ay wali gacanta ku haayaan.

“Waan uga mahadcelineynaa dowladda Ingiriiska taageerrada sida ay noogu taageertay qalabkan lagu xoojiyo ciidamada,” ayuu yiri Sarreeye Guud Owoyesigire.

Taliyaha Qaybta Koowaad, Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo qaabilay 14-ka makiinado oo loogu deeqay ayaa ballan-qaaday in uu si wanaagsan u adeegsan doono qalabka si loogu guuleysto hannaanka kala-guurka.

“Waan garaneynaa qalabka, waan wanaajin karnaa awooddeenna dhinaca hawlgallada sidoo kale waxa ay nag caawin doonaan, anaga oo la kaashaneyno Soomaalida, in aan ku guuleysanno wajiga koobaad ee kala-guurka.

Marka laga soo gudbo qaybta koowaad, 12 makiinado ayaa loogu deeqi doonaa Qaybta 2, Qaybta shanaand (12) iyo Qaybta Xoojinta Halwgalka (11).

Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa uu meelmariyay in si tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada AMISOM, isla markana mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]