4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Sacuudiga oo qaaday xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL) – Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan xanuunka Rift Valley,balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaan xanuunkaasi aysan qabin Xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka Xannaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa xukuumadda Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay waxa kale oo uu ku sheegay in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono.

,Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay n Xannaanada Xoolaha Soomaaliya loo abuurayo Suuq cusub oo ganacsiga xoolaha ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]