4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Jubbada Hoose oo lagu soo bandhigay saraakiil ka soo goostay Al-shabaab

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah dagaalamayaasha Ururka.

Sarkaalkan soo goostay ayaa la sheegay in uu ahaa wakiilkii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka lagu magacaabo Xaaji Muuse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Hadalka kooban oo uu warbaahinta u jeediyay ayuu sheegay in uu isaga soo baxay Ururkii uu ka tirsanaa ee Al-shabaab, isaga oo balanqaaday in wixii hada ka dambeeya uu ka mid noqon doono shacabka Soomaaliyeed, lana shaqeyn doono dowladda.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan si cad u sheegayaa in aan ka baxnay fikirkii Al-shabaab, Shabaab waxaan ka tirsanaa Sideed sano, waxaan ka soo qeyb qaatay dagaalo badan, waxaan jeclahay inaan la shaqeeyo dowladda, shacabkana ka mid noqdo, ” ayuu yiri sarkaalka ka soo goostay Shabaab.

Taliyaha  Ururka 58-aad, Guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka, Laba xidigle C/fitaax Ibraahim Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameen ururka Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay ka dileen 11 dagaalame.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in gacanta ciidamada xoogga dalka uu isku soo dhiibay sarkaalkii Tuulada Muuse Xaaji u qaabilsanaa Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahan waxa ay hawlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo joogto ah ka wadaan degaanada iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]