Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta u faahfaahiyay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane Axmed C/raxmaan Xaaji Xasan.
Waxa uu xusay in shirka looga hadlay ammaanka guud ee Jubbaland, howlgallada ka soconayo qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo sidii ay ciidamada kala duwan ee howlgalka ka qeybgalaya isu kaashan lahaayeen.
Dhinaca kale, Waxa uu sheegay in goluhu walaac ka muujiyay hab dhaqanka taliska xoogga dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in goluhu dhaliil u jeediyay, kana digay isku dhacdo uu xusay in ay ka dhalan karaan howlaha talisku ka fuliyo qeybo ka tirsan Jubbaland.
Wasiirka oo aan carabka ku dhufan waxyaalaha sida gaarka ah ay ugu eedeeynayaan taliska xoogga dalka ayaa yiri; “Waxaa runtii walaac weyn laga muujiyay arimo isdaba joog ah oo soo noqnoqday loona aaneeynayo taliska in ay masuul ka yihiin gaar ahaan taliyaha iyo ku xigeenkiisa, arintaana waxaa lala wadaagi doonaa madaxweynaha iyo madaxda kale ayadoo qoraal ah, arintaasi waa arrin siweyn u dhaawaceeysa amniga, fadqalalana keeni karta, dhibaatooyinna ku dhalin karta ta amniga guud iyo xasiloonida Jubbaland.”