3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2018
Puntland: Go'aan laga soo saaray safirka doollarka

 

Isniin, July, 02, 2018 (HOL) – Deegaannada Puntland, waxaa la jaangooyay qiimaha safirka doollar oo muddooyinkii dambe sare u kacay,waxaana lugu amray ganacsatada iyo sarif la-yaasha inaysan diddii karin lacagta shillinka Soomaaliga.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in kulanka guddiga amniga gobolka lugu jaangooyay qiimaha safirka doollarka, waxaa kalo u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo diidda lacagta shillinka Soomaaliga.

Khaliif ayaa sheegay halka doollar wixii maanta ka dambeeya in lugu sarifi karo soddonkun oo shillin Soomaali ah gacanta hore (30sh), halka gacanta dambe lugu sarifi karo soddon iyo kow shillin (31sh), waxaa kalo baaq u direy mas'uuliyiinta gobolka ee dhinaca maamulka Galmudug oo u usoo jeediyay inay qaadaan tallaabo la mid ah go'aamada ay soo saareen ee lugu jaangooyay safirka doollarka.

Docda kale, mas'uuliyiinta gobolka Bari oo la kulmay sarif-layaasha iyo ganacsatada qaar ayaa dhankooda jaangooyay sarifka doollarka, waxaana magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso maanta halka doollar lugu sarifaya lacag u dhaxeysa 29 sh illaa 30 sh, iyadoo go'aamadan loo arka inay xal u noqon karaan qiimaha safirka oo maalmihii u dambeeyay deegaannada Puntland sare u kacay, waxaana halka doollar lugu badalayay 35 sh.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
 













Click here
7/2/2018 4:33 PM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Ururka Al-Shabab ayaa galinkii dambe ee maanta meel fagaaro ah ku toogtay nabadoon caan ka ah gobalka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Balcad.

7/2/2018 11:28 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL) – Wasiirka Xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan marayaan, lana qaaday xayiraaddii saarneyd dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga taas oo la saaray sanaddii 2016-kii.

7/2/2018 9:38 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Dowladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaarayo 5.6 milyan oo baund ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah xilli ay ciidamadu sii xoojinayaan hannaanka kala-guurka ah ee ku saleysan shuruudo.

7/2/2018 9:25 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Shirkan oo uu shir gudoominayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ahaa shirkii billaha ahaa ee golaha amniga Jubbland, waxaana ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubbaland, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, saraakiil ka kala socotay howlgalka AMISOM iyo kan Mareeykanka ee Soomaaliya.

7/2/2018 7:15 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Ilaa saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaawacmeen qarax gaari lagu soo xiray oo goor dhaw oo maanta ah ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

7/2/2018 3:08 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)–Faah faaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka mid ka mid Darawalada ku shaqeysta gadiidka yar yare ee Mooto Bajaajka oo subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsan ciidamada dowladda ku toogtay degmada Hodan.

7/2/2018 3:00 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

7/2/2018 1:11 AM EST
Isniin, July, 02, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho uga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

7/2/2018 12:58 AM EST
Isniin,July, 02, 2018 (HOL)–Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose ayaa warbaahinta u soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo uu wehliyo mid ka mid ah dagaalamayaasha Ururka.