4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Dulimaadkii ugu horeeyay oo maanta isaga kala gooshay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL)- Magaalada Addis Ababa waxaa maanta ka anbabaxa dulimaadkii ugu horeeyay ee ku sii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritre 20 sano, waxaana sii kordhaya dalbaadka dadka doonaya in ay isaga kala gooshaan labada magaalo.

Wakaalladaha Wararka qaarkood ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo Sawirro tusaya sida ay ugu faraxsanyihiin dullimaadka qaarkood la arkayay iyaga oo isaga dhax qaadaya diyaarada gudaheeda Sawirro.

Ethiopian Airlines ayaa boggeeda Internetkaku soo bandhigtay Sawirradda duulimeedkii ugu horeeyay ee ka anbabaxay magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay in uu mar kale dib usoo celiyo cilaaqaadkii siyaasiga ahaa ee labada dowladood, oo xumaa tan iyo wixii ka danbeeyay 1998 oo ay dhaceen dagaallo qaraar oo ciidamada labada dal ku dhaxmaray xadka.

Eritrea ayaa ka go’day dalka Itoobiya sanadkii 1993kii, wixii watigaa ka danbeeyay-na xukuumadda Asmara waxaa ay u muuqatay mid go’doon ka ah dunida inteeda kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]