Ra’iisal wasaare Abiy oo amray in ciidamo la geeyo deegaannada ay ka socdaan dagaallada Soomaalida iyo Oromada
Arbaco, July, 18,
2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa laamaha amniga
dalka ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo loo geeyo deegaannada ay ku
dagaalamayaan Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaddib markii la dilay mas’uuliyiin
ka tirsan Ismaamulka Soomaalida
Itoobiya.
Guddoomiye degmo iyo
madaxii hogaanka Amniga degmada Filtu ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay
xili ay ku safrayeen qeybo ka mid ah deegaannada ay ka socdaan dirirta labada
Qowmiyadood, hasse ahaatee dhab ahaan lama xaqiijin cida rasmiga ah ee ka
danbeysa dilkan labada mas’uul.
Ciidamadan uu amray
ra’iisal wasaare Abiy in la geeyo goobaha ay dirirtu ka socto ayaa noqon doona
kuwa isku dhaf ah, waxaana uu intaa ku daray ra’iisal wasaaruhu in ay jiri
karto gacan kale oo ku lug leh dagaallada Labada Qowmiyadood.
Waxaa jira tuhunno
soo baxaya oo sheegaya in mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbigii horay
dalka u maamulayay uu qeyb ka yahay colaada labada labada dhinac iyaga oo taa
uga dan leh ayaa la leeyahay in ay ku fashiliyaan is badallada cusub ee ra’iisal
wasaare Abiy uu doonayo uu dalka ka sameeyo.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]