4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Jabuuti oo Magdhaw siineysa shirkadda DP World

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Jabuuti ayaa markan u muuqata in ay ogolaatay in ay mag-dhaw siiso shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka ee ka shaqeysa arrimaha dekeddaha ee DP World.

Arrintan ayaa ka danbeysay muran in muddo ahba soo jiitamayay oo ka taagnaa heshiis la xiriiray dekedda Doorale oo dowladda Jabuuti la gashay shirkadda DP World, laakiin markii danbe dowladda Jabuuti ay dib uga laabatay heshiiskaa iyada oo dekedda ka saartay shirkadda.

War ku soo baxay Wargeyska Financial Times ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay wajiga koowaad ee ganacsiga horta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China.

Laakiin shirkadda DP World ayaa u aragta heshiiskan dhaxmaray Jabuuti iyo China in uu yahay mid u eg in lagu jabinayo xiriirkii ama wada shaqeyntii ganacsi ee muddo dheerba soo jiray oo ay la lahaayeen Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka biyo diidan in ay gacan sidexaad ku lug yeelato is faham laga gaaro khilaafka labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]