Arbaco, July, 18,2018 (HOL)Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max'ed Mursal Cabdiraxmaan & Ku xigeenkiisa 1aad C/wali Ibrahim Muudey ayaa qado sharaf sameeyey Wafdi ka yimid Minnesota oo maalmahaan ku sugnaa Magaaladda Muqdisho, waxaa wafdiga ka mid ahaa Imaamka Masjidka Abuubakar Sadiiq Minneapolis Dr. Sh.Cabdiraxmaan Sh Cumar, & Wiilka ku guulaystay Tartanka Quraanka Imaaraadka Axmed Burhaanoo iyagu cusaamad ka helay Madaxwaynaha Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdulaahi Farmaajo.
Gudoomiye Mursal ayaa qado sharafta aad ugu soo dhaweeyey wafdiga ,una hanbalyeey Axmed Burhaan guusha uu soo hooyey, waxayna Gudoomiyaashu uga warbixiyeen wafdiga xaalada dalka iyoguulaha laga gaaray xaga horemarka.
Waxay tahay wax lagu farxo in dhulkii looga walwal qabay in diinta looga tago ay maanta ku guulaystaan tartan quraan oo Caalimi ah, waxaana uga mahadceliyey culumadda Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan fidinta Diinta Islaamka, Axmed waxa uu tusaale u yahay wajiga wanaagsan ee qurbojoogta lee yihiin.
Gudoomiye Xigeenka 1aad ee Barlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa isaguna dhankiisa u hanbalyeey guusha Axmed Burhaan, waxuuna sheegay in uu si toosa u daawanayey habeenimadii Ramadaanka aheed ee tartanka ka socday Imaaradka Carabta uuna aad ugu farxay markii uu maqlay guusha Axmed.
Sh. Cabdiraxmaan Sh Cumar ayaa isaguna kulanka hadal kooban ka jeediyey ugana mahadceliyey madaxda qaranka sida diiran ee sharafta leh ay u soo dhaweeyeen ,waxuuna warbaxin kooban ka siiyey bilowgii dacwada Masaajidka Abuubakar oo ah halkii uu quraanka ku bilaabay Axmed Burhaan,oo ugu yaraan sanadkii ay quraanka ku dhameeyaan in ka badan 250 arday oo isagu jira wiilal & gabdho.
Qado sharaftii shalay ayaa waxaa gudoonka ku wehilyey gudiga Farsamada Baarlamaanka iyo Siyaasiin kale sida Prof Max’ed Cumar Dalxa oo si aad u soo dhaweeyey Wafdiga iyoAxmed Burhaan
Siyad Said Salah
Hiiraan Online