4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Feysal Cali Waraabe : Deeqaha Soomaaliya qeyb ayeeynu ku leenahay sidii loo wadaagi lahaa-na weynu ka wada hadleynaa

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Brussels ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wad hadleen sida uu sheegay arrimo dhowr ah.

Feysal ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ka wada hadleen sidii deeqaha loo qeybsan lahaa, sidii loo joojin lahaa dagaalka Soomaaliland iyo Puntland iyo in mar kale dib loo bilaabo sida uu hadalka u dhigay Wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

‘’Somaliland shirka qeyb kama aysan aheyn, madaama aan doorkeedii la siin, laakiin Annaga Wafdigeenii halka yimid waxaan is aragnay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo dhamaantood aan isku afgarannay’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Mar uu soo hadal qaaday in arinta deeqaha Soomaaliya la siiyo oo la weydiiyay su’aal aheyn in aan marnaba Somaliland lagu soo hadal qaadin ayuu yiri’’ Waan ku jirnaa deeqahaas oo Soomaaliya ayaan ku jirnaa, waa wax aan wada leenahay sidii loo qeybsan lahaanna waan ka wada hadali doonaa’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Dhinaca dagaalka deegaanka Tuka Raq ee kala dhaxeeya Puntland ayuu sheegay in sidoo kale madaxweyne Farmaajo isla soo qaadeen isaga oo yiri’’ Waliba Annaga ayaa si gaar ah ugu eedeeyay oo ku yiri arrintan haddii aadan gacan ku laheyn-na adaa dhiiri-galiyay, runtii waa uu ka dhaartay waanan rumeysannay, waxaana isku afgarannay in sidii arrintaa loo qaboojin lahaa uu doorkeeda qaato’’ ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya isla soo qaadeen sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii labada dhinac, isaga oo sheegay in ay isku afgartay in si dhaqse ah wahadalladaasi dib ugu bilaabmaan.

Laakiin dhinaca kale marka la eego dhamaan arrimahan uu ka hadalay Feysal Cali Waraabe ayaa u muuqda in uu ku matalayay Xisbigiisa, madaama aysan meesha joogin cid si gaar ah uga wakiil aheyd Somaliland, hasse ahaatee waxaa uu yiri’’ mowqif gaar ah ayeeynu wada leenahay, Annaga iyo xukuumada intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]