4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Soomaali lagu xir xiray dalka Masar

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in tiro dad Soomaali ah xalay laamaha Amniga dalkaa ka qab qabteen xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay Caashir ee magaalada Qaahira.

Dadka ayaa la qab qabtay iyaga oo ku sugnaa goobaha lagu caweeyo xiliyada habeennkii ee maqaayadaha ku yaala xaafadda ay Soomaalidu degto, waxaana lagu waramayaa in ay isugu jiraa ardey iyo dad Qaxootinimo dalka ku jooga.

Horay sidan oo kale ciidamada dalka Masar ayaa dhowr jeer xiray dad Soomaali ah laakiin badankood markii danbe la sii daayay.

Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay in marka danbe la kala saarayo, iyadoo cid walba oo aan heysan sharci ay dalka ku joogto dib loo masaafurin doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]