4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Shaqo joojin lagu sameeyay maareeyihii hay'adda duulista Hawadda

 

Talaado, July,  10. 2018 (HOL) - War Qoraal ah oo soo garay Hiiraan Online ayaa lagu sheegay  in shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawadda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku soo baxday 9kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay, waxaana xilka Maareeyaha hay’adda Duulista Hawadda si KMG loogu magacaabay ku-xigeenka hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawadda Axmed Macalin Xassan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ku timid arrimo la xiriira khibrad yari dhinaca Aqoonta Saadaasha Hawadda ah iyo Wax Is-dab-marin lagu eedeynayo mas'uulkan shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana Qoraalka ka soo baxay Wasiirka ku xusan in si loo dar-dargliyo howlaha Wasaaradda loo baahnaaday isbadal-kan.

Yuusuf Jaalle ayaa xilkan loo magacaabay 6dii bishii April ee sanadkii hore 2017da kaddib wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Akhriso Qoraalka :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]