4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Ciidamo ka tirsan HIrshabeelle oo rasaas dhimasho sababtay ku furay gaari rakaab ah

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Inta la xaqiijinay Labo ruux ayaa ku dhimatay dadka kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Qaliimoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaariga nooociisu ahaa caasi ama Hoomey ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka soo baxay magaalada Jowhar waxaana ka mid ah dadka ku geeriyooday qof dumar ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka dhaawacmay la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar waxaana la sheegay in mid kamid ah dadkii ku dhintey gaarigan la aqoonsan waayay.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada ay ka shakiyeen gaariga kadibna ay rasaas ku fureen markii uu ku dhowaaday bar koontarool oo ay ciidamada ku sugnaayeen.

Ciidamada rasaasta ku furay gaariga ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan ciidamada Booliska Hirshabelle oo shalay fariisimo ka sameystey deegaanka Qalimow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]