7/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Soomaaliya oo qeyb ka ah shirweynaha Isgaarsiinta dunida


 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.

Shir-weynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.

“Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.

“Fursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama aanu dhiseyno hay’ad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururrada iyo hay’adaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/10/2018 11:51 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-War Qoraal ah oo soo garay Hiiraan Online ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

7/10/2018 10:41 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

7/10/2018 10:32 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb ka ah shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

7/10/2018 10:13 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Inta la xaqiijinay Labo ruux ayaa ku dhimatay dadka kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayay deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

7/10/2018 10:02 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

7/10/2018 9:56 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Lix iyo lixdan ergay oo iskugu jira Culimo, madax dhaqameed, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa gaadhay degmadda Ceel Afweyn oo ay ka jirto colaad u dhexeysa laba beelood oo walaalo ahi, taas oo dagaal soo noqnoqday ka dhacay.

7/10/2018 9:48 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta lugu wadaa in xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga ka-sii daayso inta badan maxaabiista ku xiran.

7/10/2018 1:54 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho.

7/10/2018 1:43 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa garyaqaan Brett Kavanaugh u magacaabay inuu noqdo mid ka mid ah xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, si uu u bedello booska uu banneeyay Justice Anthony Kennedy oo howlgab noqday.

7/10/2018 1:37 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

7/10/2018 12:57 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL)-Xoghayaha caafimmaadka ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Boris Johnson.

7/10/2018 12:51 AM EST
Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa uu si adag uga hadlay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay hadda ku shaqeeyaan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaaliya.