4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
AMISOM oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa qoraal ka soo baxay waxaa uu si adag uga hadlay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto oo ay hadda ku shaqeeyaan Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaaliya.

AMISOM ayaa sheegay in weerarkaasi yahay mid muujinaya in Al-shabaab aysan wax dan ah ka laheyn xasiloonida Soomaaliya iyo horumarka dalalka Geeska Afrika.

“AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AMISOM.

Taliska hawlgalka AMISOM ayaa ugu dambeyn Al-shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah.

Weerarkaasi sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta dowladda oo sheegay in xoojinayaan nabad-galyada si looga hortago weerarro noocan oo kale ah oo mar kale dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]