4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2018
Madaxweyne Waare oo daah furay kalfadhigii Seddexaad ee baarlamaanka Hirshabeelle

 

Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabada lagu furayay Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaano , Waxgarad siyaasiyiin iyo marti sharaf kale .

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cisman Barre Maxamed & Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka  Marwo Canab Cabdi Ciise oo khudabdo ka jeediyay ayaa kaga hadlay waxqabadka Baarlamaanka iyagoo sheegay in ay qeyb ka ahayd isbedelkii hoggaanka sare Doorasahada iyo Xil ka qaadista intaba.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ugu sheegay in Horumar lagu gaari karo Midnimo & Iskaashi dhex mara Golaha Sharci dejinta & Golaha fulinta intaba.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka isagoo bogaadiyay booqasahada Madaxweyne farmaajo ku marayo Puntland wuxuuna sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amniga .

Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay dhinacyada Somaliland & Puntland in ay joojiyaan colaada ka dhex jirta.

Furista Kalfadhigga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa hore dib u dhac uu ugu yimid iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]