3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2018
Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta lagaga dooday dagaaladii ka dhacay Tuko-Raq


Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Khamiis,January 11,2018 (HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go’aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland.

Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland lagu eedeeyey inay iyagoo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen xadka Somaliland.

Waxaana shirkaasi golaha wasiiradad laga soo saaray go’aanadan:

1. In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.

2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.

3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.

5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.

6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.

a. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood

b. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood

c. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood

d. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood

e. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood

Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad oo kor ku xusan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]













Click here
1/11/2018 1:38 PM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

1/11/2018 1:19 PM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

1/11/2018 11:18 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaradda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale, waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

1/11/2018 11:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in cafis sharuud ku xiran u fidineyso siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

1/11/2018 6:19 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee bannaan.

1/11/2018 3:55 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahaddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaaro xilliga ay ku habboon tahay.

1/11/2018 3:38 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la adeegsanayo Internet-ka

1/11/2018 3:10 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.

1/11/2018 12:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaal degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii.

1/11/2018 12:23 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Ma’aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka isaga oo sii maraya deegaanno kala duwan.