Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Ma’aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka isaga oo sii maraya deegaanno kala duwan.
Horey suurtagal uma aheyn in madaxweynuhu socdaal xagga
dhulka ah uu ku tago magaalooyinka dalka
marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.
Puntland oo ah dowlad gobolleed fac-weyn waxaa ay muhiiim u tahay kaabayaasha dhaqaale oo ay ku tiirsan tahay Dowladda
Federaalka waxaana ku taala Dekedda
Boosaaso oo ah il dhaqaale oo siweyn loogu xisaabtamo marka laga soo tago Dekedda
Xamar.
Inkastoo Puntland ay dagaal adag kula jirto Ururrada
Al-shabaab iyo Daacish hadana waxaa ay daruuftu u saamaxday in madaxweynaha iyo
wafdigiisu socdaal dhulka ah ku maraan magaalooyin kala duwan oo kulaalaya
gobollada Nugaal, Bari iyo Karkaar.
Waa dhul Geedku aad ugu yar yahay, Buuraley ah, laakiin
dadkiisu ku faanaan dhulkii Beey’ada iyo Xijijga, waxaana lagu tilmamaa kaydka
kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali la soo fagin.
Puntland laftirkeeda
muhiim ayuu u yahay socdaalka madaxweynaha Soomaaliya oo waxaa jira mashaariic fara-badan oo qaarna la daah furay kuwa kalana la dhax-dhigayo sida Garoonka diyaaradaha Garoowe oo xariga la jaray iyo madaxweynaha oo dhagax dhiggay Waddo Laami oo isku xiri doonta deegaannada Dan-Goronyo iyo Eyl.
Booqashadan xitaa marka la eego waxaa ay uga duwan tahay
kuwii ka horeeyay ee madaxweyuhu ku tagay gobollada kale ee dalka sida uu bulshada u dhax-galay iyo Bulshada reer
Puntland laftirkooda oo madaxweynaha u muujiyay soo dhaweyn Gacaltooyo.
Garoowe iyo magaalada Qardho waxaa ay isku jiraan qiyaastii illaa
240km oo ah masaafo dheer marka baabuur
lagu marayo, iyadoo waliba maanka lagu hayo xaaladaha ammaanka ee dalka.
Magaalada Qardho ayaa la filayaa in uu uga sii gudbo
dhinaca gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso oo siweyn isugu diyaarisay
soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda waana halka ugu muhiimsan safarka
madaxweynaha marka laga soo tago magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad
gobolleedka Puntland
Marka uu gobolka Bari u gudbo madaxweyhuhu waxaa uu sii mari doona
Buuraha Galgala oo caan ku ah dagaallada u dhaxeeya Puntland iyo Kooxaha ku
abtirsada Al-shabaab iyo Daacish waxaana la socda oo Amaanka sugaya ciidamo ka
raacay magaalada Muqdisho iyo kuwa dowlad gobolleedka Punland.
Boosaaso waayadii ugu danbeeyayba waxaa ka taagnaa
qalalaase u dhaxeeya Ganacsatada iyo maamulka Puntland gacan ka hadal ka dhashayna waxaa uu sababay
in dad ay ku dhintaan, sidaa daraadeed waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo
uu arintaa kala hadlo Ganacsatada magaalada, isaga oo sidoo kalana tagi doona
Dekedda Weyn ee Boosaaso.
Lama oga halka madaxweynuhu u jiheysan doono booqashadiisa
Boosaaso kaddib waloow wararka qaar sheegayaan in madaxweynuhu ku soo wajahan
yahay dhinaca magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo deegaanno ka tirsan
gobollada Bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]