3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2018
Shirkii Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xaalada Amniga dalka Soomaaliya

 

Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaradda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale, waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay Maleeshiyaad Nabad diidka Alshabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, islamarkaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga wuxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Al-shabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” Aauu yiri Wasiir Eng Yariisoow

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

”Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo Howlaheeda, ha noqoto qorshaha u dagsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey”ayuu yiri  Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/11/2018 1:38 PM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

1/11/2018 1:19 PM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

1/11/2018 11:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in cafis sharuud ku xiran u fidineyso siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

1/11/2018 10:07 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) - Khamiis,January 11,2018 (HOL)- Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go’aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland.

1/11/2018 6:19 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2018 (HOL) - Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee bannaan.

1/11/2018 3:55 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu wadahaddalo la billaabi doono Dowlada Kuuriyada Waqooyi marka la gaaro xilliga ay ku habboon tahay.

1/11/2018 3:38 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la adeegsanayo Internet-ka

1/11/2018 3:10 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dowlad goboleedka Puntland xalayna ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Bari ayaa maanta wuxuu gaari doonaa magaalo Xeebeedka Boosaaso.

1/11/2018 12:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaal degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii.

1/11/2018 12:23 AM EST
Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL)- Ma’aha socdaalkiisii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo oo uu ku tago meel ka baxsan caasimada tan iyo markii 08 bishii Febarayo ee sanadkii tagay 2017 loo doortay madaxweyne, laakiin waa socdaalkii ugu horeeyay masaafo dheer uu ku safro dhulka isaga oo sii maraya deegaanno kala duwan.