4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 11, 2018
Dowladda oo hergalisay xarunta ka hortaga Xag-jirnimada iyadoo la adeegsanayo Internet-ka

 

Khamiis, Janaayo, 11, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la adeegsanayo Internet-ka

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo xarunta Daahfurtay ayaa sheegtay in ay soo gudbin doonto fariimo ay dhalin yarada kaga wacyigelineyso ku biirista ururka al-Sshabab, isla markaana ay ku hoga tusaaleyneyso faa’idooyinka dowladnimada, nabadda iyo horumarka.

Olalahan Wacyigalinta ah ayaa ka bilaaban doona baraha Internetka sida Facebooka, You Tube, Twitter –ka iyo warbaahinta qeybaha kale  iyadoo la dhiirigalinayo xasiloonida iyo nabad-galyada guud ahaan wadanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xaruntan si gaar ah u bartilmaameedsan doono Al-shabaab oo lagu soo bandhigayo dhibta iyo carqalada ay ku hayaan nabada iyo xasiloonida dalka.

"Tani waxay fursad u noqon doontaa in ay gacan ka geysato guud ahaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya," ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf al-Adala, agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya "Waxaan siin doonaa macluumaad sax ah oo faa'iido leh dadka dhalinyarada ah, taas oo ka dhigeysa in ay fahmaan faa'iidooyinka hay'adaha dimuqraadiga ah ee Soomaaliya."

Waa xaruntii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya, waxaana ay dowladdu sheegtay in dagaalka Al-shabaab uu ku fileyn uu ku fileyn oo dagaal iyo xaalad militari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]