4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Dowladda oo shaacisay khasaraha Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen.

Baarkan oo dhawaan la furay ayaa dhabarka danbe dhinaca laamiga ka xiga Shaleemo Soomaaliya, wuxuu-n ahaa Baar habeenkii dadku kulmaan oo siweyn loo camiro islamarkaana dhawaan la furay.

Gaariga ayaa la sheegay marka uu qarxayay in uu ku sii socday dhinaca waddada aada Dabka, hasse ahaatee markii uu marayay afafka hore ee baarka uu mar kaliya Qarxay.

Goobta waxaa gaaray saraakiisha ciidamada Booliiska oo wada baaritaanno la xiriira Qaraxa iyo halka uu ka yimid madaama xiliyada habeenkii gadiidka isticmaala waddada Maka Al-mukarama siweyn loo baaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]